|

Matt Bryden oo si deg deg ah shaqada looga qaadey ka dib markii musuqmaasuq lagu heley

Matt Bryden oo ahaa madaxa kooxda the Monitoring Group for Somalia oo Qaramada Midoobey u xilsaareyd arimaha Soomaliya ayaa shaqada laga eryey iyadoo lagu badaley nin kale oo Canadian ah, shaqa ka eryida Matt Bryden ayaa timid ka dib markii dabagal dheer lagusameeyey warbixin uu kasoo saarey Musuqmaasuqa dhaqaale ee ka jira Soomalaiya, Mat Bryden ayaa la ogaadey inuusan daacad ka aheyn arimaha Soomaaliya.

the Monitoring Group for Somalia waxay bilo ka hor soo bandhigeen Warbixin dheer oo lagu eedeynayey madaxda Dowlada KMG Soomaaliya iney lunsadeen lacago malaayiin Doolar ah, inkastoo ay wax ka jiraan waxyaabaha Warbixinta ku qoraa hadana waxaa la ogaadey inaan warbixinta si daacad ah ama si siman aan loogu sameyn Madaxda Soomaaliya.

Waxaa kaloo la ogaadey in Matt Bryden uu u ololeynayay in Soomaaliland ay ka go’do Soomaaliya.

Intaan shaqada laga Eryin Matt Bryden waxaa la heley cadeymo cadeynaya inuu musuqmaasuq siyaasadeed uu ka wadey Soomaaliya kala qaybinteeda, waxaana hada lagu badaley nin kale oo isna kasoo jeeda Dalka Canada.

Puntlandi.com

Comments are closed