abaaraha
|

Maxaa Ka Jira In Markab Lagu Afduubay Xeebaha degmada Calluula Ee Gobolka Bari?

Koox sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ayaa Markab ka afduubtay nawaaxiga degmada Calluula ee Gobolka Bari, waxaana Markabka ay afduubteen saaraan shaqaale u kala dhashay wadamada Ingiriiska iyo Filibiin, waxaana tirada shaqaalaha Markabka saaran ay dhan tahay Toban qof.

Kooxda Afduubka ku qabsaday Markabka ayaa sheegay inay afduubeen ka dib markii uu Qashin Sun ah uu ku daadiyay Markabku xeebaha Puntland, isla markaana ay jiraan qayb ka mid ah Sunta oo wali saaran Markaabka.

Waxaa qaar ka mid Kooxda Afduubtay Markabka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ay sheegen inaysan ahayn Burcadbadeed oo ay yihiin rag difaacaya badooda.

Kooxda Afduubatay Markanka ayaan illaa iyo hadda soo gudbin wax dalab ah, balse waxay sheegen inaay doonayaan inay Ummadda Soomaaliyeed iyo Adduunka ay tusaan dhibaatada lagu hayo Xeebaha Soomaaliya.

Waxay ku doodeen inay ahaayen Kalluumaysato, badii ka waayay Kalluun, isla markaana la burburiyay qalabkoodii, loona geystay dhibaato.

Illaa iyo hadda ma jirto wax dalab ah oo ay gudbiyeen, mana jirto cid cadayn karta sheehashadooda ku aadan inay yihiin Kalluumaysato dhibaato loo geystay.

Si kastaba ha ahate, Markabka ayaa Kooxda Afduubatay ay ku haystaan Xeebaha degmada Calluula ee Gobolka Bari.

www.puntlandi.com.

 

You must be logged in to post a comment Login