|

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Kismaayo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeele Maxamedm Cabdi Waare, ayaa maanta u duuli doona magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Qabanqaabada lagu soo dhoweynayo Madaxda, ayaa ka socota magaalada Kismaayo, waxaana Kismaayo horay u gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday in galinka dambe ee maanta uu shirku furmi doono, isla markaana galinka hore maanta laso dhoweyn dooni Madaxda.

Shirka Kismaayo uga furmaya maamul goboleedada, ayaa waxaa aad uga walaacsan dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ay isku dayday inay hakiso balse way ku guuldaraysatay.

Waxaa si gaar ah Isha loogu hayaa shirka Kismaayo, kaasi oo aan la aqoon qodobada kaso bixi doono, inkasta oo diirada lagu saarayo xaalada Soomaaliya.

Wixii Kaso Kordha Wararka Kismaayo dib ayaan kaso daabacaynaa.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login