|

Maxaa maanta ka cusub magaalo madaxda Puntland ee Garowe?

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal Cali Salaad Diir Faarax Salaad ayaa maanta si rasmi ah xilkiisii ugala wareegay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Nugaal Khaasim Maxamed Cabdi.

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta laga maamulo gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Ciise Ibcad (Biriir Ciise) iyo xildhibaano katirsan gollaha deegaanka Gariwe.

Guddoomiye ku xigeenka cusub ayaa balanqaaday inuu xilkiisa si daacad ah ugasoo bixidoono islamarkaana wuxuu u mahad celiyay madaxweynaha dowladda Puntland oo xilkaan culus ku aaminay.

Dhinaca kale, gudoomiyihii hore ee hay’adda wadooyinka Puntland Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa maanta isagana wareejinaya xilkiisii kadib markii dhawaan madaxweyne Gaas uu xilkii ka qaaday.

Wuxuu xilka ku wareejinayaaa gudoomiye ku xigeenkiisa hay’adda wadooyinka oo uu madaxweyne Gaas u wakiishay inuu si kumeel gaar ah xilkaan usii hayo inta lagasoo magacaabayo guddoomiye cusub.

Puntlandi.com

 

 

 

Comments are closed