abaaraha
|

Maxaadan Ogayn Oo Aan Xog Ka Haynaa Markabka Lagu Haysto Xeebaha Xaabo?

Kooxo sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ayaa maalintii Isniinta afduubtay Markab shidaal oo lagu magacaabo Aris 13, waxaana maamusha Shirkad fadhigeedu uu yahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Waa afduubkii ugu horeeyay ee ka dhaca Xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012-kii, ka dib markii si adag loola dagaalamay Kooxixii Burcadbadeeda Soomaalida.

Waxaa Markabku uu ka yimi dalka Jabuuti, waxaana uu ku socday magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Shaqaalaha saaran Markabka ayaa gaaraya illaa 8 qof oo u dhashay dalka Sirilaanka, waxaana Kooxda Afduubtay ay Markabka la adeen xeebaha Calluula ee Gobolka Bari.

Ka dib Maxaa Dhacay?

Kooxda Afduubatay Markabka ayaa ku doodaya inaysan ahayn Burcadbadeed oo ay yihiin Kalluumaysato dhibaato loo geystay.

Waxaa qaar ka mid ah Kooxdaa oo la hadlay Saxaafadda ay sheegen inaysan jirin wax Madax furasho ah oo ay dalbanayaan, balse ay xiriir la sameeyen Shirkadda Markabka iska leh, waxana ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan nooca xiriir ee dhexmaray.

Maxaa Hadda Soconaya?

Maalintii shalay ayaa Ciidamo ka tirsan badda Puntland ”PMPF” ay gaareen nawaaxiga Markabka lagu hayo, wuxuuna ujeedkoodu uu ahaa inay Markabka hawlgal kuso furtaan.

Balse Odayaasha deegaanka ayaa ka dalbaday inaysan samayn hawlgal oo ay iyaga talada u daayaan, waxaa Odayaashu ay sheegen inay la hadlayaan Kooxda haysata Markabka, isla markaana ay rajaynayaan in wada hadal lagu sii daayo, waxaa sidaa Warbaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha guud ee ciidanka Badda Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Xassan.

Cabdi Raxmaan Xaaji Xassan ayaa sheegay inay talada u daayeen Odayaasha ayna bilaabatay wada hadal ay Odayaashi Garwadeen ka yihiin oo Markabka lagu sii daynayo.

Warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa qoraya Warar aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan in ciidanka Badda Puntland ay dagaal ku qaaden Markabka, wararkaas oo ah kuwo aan waxba jirin.

Waxaa suuragal ah haddii la waayo xal in wajiga 2-aad uu noqdo hawlgalku, kaas oo go’aan Midaysan laga gaari doono sida Saraakiisha ciidanka Badda Puntland ay xaqiijiyeen.

Si kasbata ha ahate, Markabka ayaa ku jira gacanta Kooxo sheegtay inay yihiin Kalluumaysato muddo dhan saddex bari.

Wixii kaso kordha Dib ayaan kaso daabacaynaa.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login