|

Maxay ahaayeen labada nin ee maydka ah ee saakay lasoo dhigay tuulada Durduri ee gobolka Sanaag?

Tuulada Durduri oo katirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa xalay kusoo xiratay saxiimad siday maydka labo nin iyo nin kale oo bad qabay

Guddoomiye ku xigeenka Laasqoray Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay labadaan nin inay qeyb ka ahaayeen sagaal nin oo burcad badeed ah oo dhawaan ka baxay Bosaso, kuwaas oo weeraray markab ganacsi oo marayay xeebaha gacanka cadan.

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay inay labadaan nin maydka ah ku dhinteen iska hor imaad dhexmaray iyaga iyo ilaalada markabka, sida lagasoo xigtay ninka saxiimadaan waday.

Wareysi dadka deegaanku ay la yeesheen ninka saxiimada ayuu sheegay inuusan garanayn halka ay ku dambeeyeen lix nin oo kale oo doonidaan ka dagay markii laga itaal roonaaday.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login