|

Maxay la Oyday haweenayda Sarkaalada ahayd ee la socotay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya?.

Haweenay ka mid ahayd Saraakiisha la socday Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Xassan Xaamud,ayaa maanta la qiirootay amaanka,nidaamka iyo hormarka ka jira Puntland,xilli ay maanta soo afmeeren Safar maalmo qaatay oo ay ku yimaadeen Gobolada Puntland.

Haweenaydan ayaa sheegtay in dadka ku nool Puntland ay ku wayn tahay Soomaalinimadu,isla markaana ay soo dhowayn qiima leh kala kulmeen Ummadda reer Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Xassan Xaamud wuxuu horay uga shaqayn jiray degmada Eyl ee Gobolka Nugaal xilligii Dawladii dhexe ee Soomaaliya,wuxuu ku Safray dhul Masaafadiisu ay dhan tahay 750  Kiilo Mitir oo ka mid ah dhulka Puntland,wuxuu la dhacay isbadalka xawliga ah ee ku yimi Puntland.

Taliyaha oo maanta Salaan ugu tagay Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay cagta saartay Wadada hormarka iyo Dawladnimada, wuxuu sheegay in Ciidanka Booliska ay ka go’an tahay inay wada shaqeeyaan.

17-sano ee tagay Puntland waxay ku talaabsatay hormar aad u wayn,waxaana sanadka soo socda la filayaa in isbadal muuqda uu ku dhaco Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland,taasi oo door wayn ka qaadanaysa in la helo Puntland-ta cusub ee ay balan qaadeen Madaxda Puntland.

Sawirada hoose sawirka kowaad waa haweenayda la qiirootay dhul ka mid ah Soomaaliya oo ay ku aragtay hormar aad u wayn oo aysan filayn,sawirka hoosena waa xilli ay Madaxweynaha salaan sharaf siinaysay,waxaa xilliga ay Madaxweynaha salaan sharafta siinaysay ay sheegtay in sidan oo kale ay Madaxweynaha u siisay salaan sharaf waqtigii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

1 2

www.puntlandi.com.

Comments are closed