|

Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah ku riday askarigii dilay wasiir Cabaas.

Maxkamada Ciidamada Q.S ayaa saake xukun dil ah ku riday Axmed C.llaahi cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas siraaji.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale Amartay in xabsiga laga sii daayo Cusmaan Salaad Barre oo lagu waayay wax dambi ah.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax, kaasoo xilkiisa ku waayay shilka lagu dilay wasiirka.

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May ee sanadkan, markii gaari uu saarnaa uu ku dhawaaday gaari kale oo la socday Hanti dhowrka Guud, waxaana rasaas ku furay Ilaalada saarnaa gaarigaas oo marayay nawaaxiga Madaxtooyada.

Puntlandi.com

Comments are closed