Midowga Afrika oo soo dhoweeyay doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo war-saxaafadeed kasoo saaray isbeddelka ka dhacay Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub xilka loo doortay, isagoo ku tilmaamay in uu ku yimid doorasho xalaal ah oo u dhacday si caddaalad ah.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale u mahadceliyay madaxweynihii hore ee looga guuleystay doorashada Shariif Sheekh Axmed isagoo ku ammaanay sidii wanaagsaneyd oo uu uga shaqeeyay amaanka.
Jean Ping wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay waddada cusub ee u furantay iyo in uu ka baxay kumeel gaarnimada.


