|

Midowga Yurub oo sheegay inay hoos u dhaceen tahriibayaasha ka gudba biyaha Mediterranean

Libya (Puntlandui.com) Tirada muhaajiriinta tagaya dalka Italy ayaa si weyn ugu hoos ugu dhacay tan iyo bilowgii sanadkaan, Marka loo barbar dhigo sanadkii hore ee 2016. waxaana jirta hoos u dhac gaaraysa boqolkiiba 22% ah.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sababta arrintani ku dhacday. inkastoo siyaasadaha midowga Yurub loo maleynayo inay saameyn ku yeelatay.

Dowladda Liibiya ayaa bishii august ku dhowaaqday Heshiis Qaran oo ku saabsan inuu jiri doono aag ka baxsan xeebta Liibiya oo ay ka howlgalidoonaan doonyaha samatabixinta. Tan iyo markaas, Maraakiibta iyo doonyaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ku qasban inay dowladda Libya ka helaan ogolaasho, si ay usoo galaan aaggan una badbaadiyaan dadka.

“Qof kasta oo doonaya inuu Aaggaan ka shaqeeyo waa inuu ixtiraamaa heshiiska qaran, haddii ay aqbalaan heshiiskan, waxay awood uyeelandoonaan inay galaan biyaheena caalamiga ah.” ayuu yidhi,”afhayeenka xeebaha ee Liibiya, General Ayub Ghassem.

Ghassem ayaa si xoogan u rumaysan in doomaha kalluumaysiga ee badbaadada ay yihiin waxyaallaha riixa ( “pull factor” ) tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Italy.

Puntlandi.com

Comments are closed