|

Miisaaniyadda dalka oo maanta Baarlamanka la horgeynayo

Golaha shacabka  Dawlada Federaalka  Soomaaliya oo dhowaan kal-fadhigoodu furmay ayaa kulankooda maanta lagu wadaa in la horgeeyo miisaaniyadda dowladda oo ay soo diyaarisay wasaaradad maaliyadda Soomaaliya.

Xubno ka tirsan golaha shacabka  Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maanta baarlamanka la horgeynayo miisaaniyadda dalka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda,waxaana miisaaniyaddani ka badan tahay tii sannadkii hore.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa hore u ansixiyey miisaaniyaddaan,waxaana ka dhiman dhaqan-gelinteeda in Baarlamanku ansixiyo.

puntlandi.com

 

 

 

 

 

Comments are closed