|

Musharax Farax Cali Shire Wasiirkii Hore ee Maaliyada Puntland oo Socdaal ku maraya Yurub, Shirarna ku qabnaaya


Mudane Musharax Farax Cali Shire

Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland ee Xukumadii Madaxweyne Faroole Mudane Faarax Cali Shire ayaa socdaal ku maraya Wadamo ka mid ah Qaarada Yurub.

Mudane Faarax Cali Shire oo ah Musharax u taagan doorashada Madaxtimo ee Puntland sannadka 2019 ayaa hadda ku sugun Magaalada Copenenhagen ee dalka Denmark, halkaas uu ku qaban doono shirar iyo kulano uu ku soo bandhigayo ololihiisa iyo Barnaamijkiisa Siyaasadeed.

Mudane Faarax Cali Shire oo hore bishii September shirar ku soo qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la rejeynayaa inuu kulano iyo shirar kuwaa la mid ah ku qabto dalalka Germeny,Sweden,Finland iyo Norwey.

Mudane Musharax Farax Cali Shire ayaa lagu xusuustaa in uu ahaa Wasiirkii ugu mudada dheeraa ee qabta xilka Wasaarada Maaliyada Puntland, isagoo xilkaa hayey mudo dhan shan sano.

www.puntlandi.com.

Comments are closed