|

M/weyne Farmaajo oo maanta Tuutaha u xirtay magacaabida Taliyaal Ciidan oo ” Who Dead ” ah (Second Hand ) iyo Beesha Hawiye qarkood oo uu sadbursi isugu daray Taliyaha Xogga dalka iyo midka Nabdsugida Qaranka

Madaxweynaha Dawlada Federalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay Taliyayaasha Ciidamada Dalka, isla markaana xil ka qaadis ku sameeyey masuuliyiintii xilalkaas hore u soo hayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Tuute qiiq isu qaris ah u soo xirtay maanta si uu mar kale sadbuursiimo ugu sameeyo beelo ka mid ah kuwa Hawiye ( Habargidir iyo Xawaadle)

Madaxweynaha ayaa hore beesha Hawiye 17 xubnood ka siiyey golaha xukuumada ee Raisal wasaare kheyre,halka beesha Daarood ka heshay 14 xubnood,sidoo kale Beesha Konfur Galbeed iyo Beesha Dir iyaguna heleen min 13 xubnood

Taliyayaasha ciidan ee maanta la magacaabay ay ah shakhsiyaad hore loo soo tijaabiyey oo second hand ah,xilalkaa loo magacaabeyna hore u soo qabtay.

Shakhsiyaadka maanta Madaxweynuhu magacaabay ay ka koobnaa sidan :

1. Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale ( Cirfiid) Beesha Hawiye – Habargidir ( Beeshan oo hore u heshay Wasaarada Arimaha Dibada )

2.Taliyaha Ciidanka Nabadsugid Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali ( Sambalooshe) Hawiye- Xawaadle ( fiiro gaar ah: ogow Wasiirka Amniga Qarankuna waa Hawiye – Xawaadle,sidoo kale Taliye ku xigeenka Nabadsugida Qaranka ayaa loo magacaabay wiil yar oo saqiir ah Cabdifatax Shaaweeye oo ka soo jeeda Beesha Hawiye – Murursade

3. Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneral Cabdixakiin Daahir Siciid ( Saacid ) Beesha Daarood – Tanade

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaandir u magcaabay Ku xigeenkii Safarada Mareykanka Taabid Cabdi oo ka soo jeeda Beesha Hawiye Abgaal-Waceysle.

Magacaabidan ayaa u muuqata Riwaayadii Qabyo 2

Comments are closed