|

NUWACO OO CEELKII UGU DHEERAA SOMALIA KA HIRGALISAY GOBOLKA NUGAAL

Shirkadda Biyaha ee NUWACO ayaa ku guulaysatey inay ka qodo deegaanka Xaarxaarka oo ka tirsan Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ceelkii ugu dheeraa dalka Somalia, Waxaana dherarkiisu dhan yahay ceelkan sida lagu qiyaasay 440 mitir oo ku dhaw masaafo nus kiilo mitir ah oo hoos ah,iyadoo ceelkii ugu horreeyey ee Soomaaliya ugu gunta dheeraa uu  ahaa,ceelka Rako-raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland oo qodon 420 mitir,sida ay xaqiijisay hay’adda Biyaha Puntland ee PASSAWEYN.

Hirgalinta ceelkan oo ay soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee shacabka Deegaankaas oo isugu jira dadka degan xaarxaarka iyo kuwa ku xiran ee miyiga waxaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu daahfurey masuuliyiin ka tirsan ,Golayaasha Dowladda, Maamulka Shirkadda NUWACO,hay’adda biyaha  PSAWEN,,hay’dda Islamic Relief  iyo Marti sharaf kale, wuxuuna ka mid noqonayaa ceelkani kuwii ugu dhaadheeraa oo lagu qado mashruuca ceelasha oo uu ku deeqay bangiga islaamka.

Waxaa inticaafsan doona ceelkan kumanaan dad iyo duunyo ah, Waana ceelkii 6aad oo shirkadda NUWACO muddo sanad gudaheed ah ka qado deegaanada Puntland,Iyadoona uga hirgalisay ceelashii ka horeeyay deegaanada kala ah Tuulo Jalam,Karinkafood,Dandan,Xadhadhanka iyo Garowe.

ceelashaan oo NUWACO ka hirgalisay Gobollada Nugaal, Sool iyo Cayn ayaa kaalin weyn ka qaatay hoos u dhiga biyo yaraan laga baqayay abaartii dhawaan ku dhufatey Dalka Somalia ee SIMa.

You must be logged in to post a comment Login