|

Oromada oo weli ugaarsi xoogan ku haysa Soomaalida u safraya Addis ababa.

Ciidamada Faderaalka dalka Itobiya ayaa kala raacdeeyay Oromo jidgooyo dhigtay inta udhaxeysa Magaalooyinka Jigjiga iyo Adis Ababa.

Oromadaan ayaa la sheegay inay ugaarsanayaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay safar lug ah ku tagaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dowladda federalka Ethiopia ayaa ciidamo badan usoo dirtay gobolka Oromiya si ay wax uga qabtay beegsiga lagu hayo Soomaalida, kadib markii dhowaan dad oo badan Soomaaliyeed lagu xasuuqay magaalada Hawaaday ee dhulka Ismaamulka Oromada.

Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa dhowaan digniin xoogan kasoo saaray in dadka Soomaalida ah ay safar lug ah ku tagaan magaalada Addis Ababa, iyagoo ka digay halista kaga imaan karta dhulka Oromada marka ay sii marayaan.

Madaxweynayaasha labada dowlad deegaan ee Soomaalida iyo Oromada ayaa dhowaan ku kulmay Addis Ababa waxayna ku baaqeen in colaada la damiyo islamarkaana waxay tacsi ka direen dadkii lagu laayay magaalooyinka Hawadaay.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed