|

PDRC oo soo dhowayn u sameysay wafdi ka socday maamulka Jubbaland

Garowe (Puntlandi) Xarunta horumarinta cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa soo dhowayn u sameysay wafti ka socday Maamulka Jubbaland oo magaalada Garowe ku yimid safar shaqo.

Agaasimaha PDRC Ali Farah Ali oo xarunta ku soo dhaweeyey ayaa guddoonsiiyey waftiga buugaag, dokomentiga, daraasado iyo war-bixinna rasmi ah oo khuseeya arrimaha Soomaaliya.

Cali Faarax ayaa sheegay PDRC inay qibrad ka heshay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan is-fahanka iyo is-aaminka ka dhasha habka cilmi-baarista Ka Wada Qaybgalka Ku Dhisan in uu xal waara u noqon karo xallinta colaadaha, iyada oo ay bar-bar socdaan qaabab ku wajahan wax ka qabashada arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda si loo gaaro nabad dhab ah.

Ugu dambeeyntii xarunta Peace & Development Research Center-PDRC iyo Is-Bahaysiga Caalamiga ah ee Nabad-Dhisayaasha ee magacooda lagu soo gaabiyo Interpeace waxey uga mahadcelinayaan waftiga tixgelinta iyo booqashada gaaban iyagoo safar ah ay ku soo booqdaan xarunta PDRC.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login