|

Photo News: Daawo Sawirada Puntland Oo Soo Bandhigtay Hub Ay Daacish Ka Qabsatay

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray ciidamada Dawladda Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi,  sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu joogay degmada Qandala wuxuu booqday goroonka diyaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga bada ee degmada Qandala.

Madaxweynaha waxaa kurmeerka ku wehelinayey maamulka Gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawlada Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo masuuliyiin ka mida Madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa salaan ka qaatay ciidanka difaaca xeebalayda Qandala, salaam kadib waxa uu madaxweynuhu ciidamada ku amaanay sida dhiiran ee ay ugu heelan yihiin inay dalkooda ka difaacaan cadawga, isla markaana waxa uu si gaara ugu hambal yeeyey guushii balaarnayd ee ay ka gaareen argagixisada daacish ee ku dhuumalaysanaysey mudada kooban degmada taariikhiga ah ee  Qadanla.

Madaxweynaha Dawladda puntland waxa uu sidoo kale ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacida dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dedaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qandala oo ay ugu danbaysey goor  la isticmaalo xiligii Dawladda dhexe ee Soomaaliya, geesta kale madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kormeeray khooriga qandala oo isna aan saa uga fogeyn magaalada.

Kormeerka ka dib madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in magaalada Qandala ay tahay maagalo ganacsi islamarkaana ah ay ku duugan tahay taarikh badan oo ay Soomaaliya leedahay, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dhibaatada ay gaarsiiyeen cadawgu Degmada waxaana uu tilmaamay inay burbur hantiyeed u geysteen xarumihii hayadaha Dawladda islamarkaana ay bililiqaysteen hanti badan oo ay leeyihiin shacabka degan magaalada Qandala.

‘’waxaanu taaganahay xeebta magaalada qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, haayadihii dawliga ahaa wixii yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen taas bedelkeednaa waxa ay ka heleen ciidamadeena geesiyaasha ah , waxaan aad ugu mahad naqayaa dadka reer Qandala sida wanaagsan ay noosoo dhoweeyeen sida ay u garab istageen ciidamada difaaaca Puntland, ciidamada Dawladda Puntland dhamaantood waan bogaadinaya waana u mahad naqayaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada puntland.

Saraakiisha ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaamada hoos yimaada ayaa dhankooda  soo bandhigay saanad milateri oo ay ka qabsadeen argagixisada Daacish.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey shacabka degmada taarikhiga ah ee Qandala inay ka shaqeeyaan horumarka degmada isla markaan ay garab istagaan ciidamada sugaya amnigooda.

img_3501 img_3504 img_3507 img_3508 img_3511 img_3514 img_3521 img_3535 img_3539 img_3540 img_3555 img_3559 img_3565 img_3570 img_3576 img_3580 img_3601 img_3605 img_3616 img_3628 img_3656 img_3664 img_3666 img_3669 img_3670 img_3678 img_3696 img_3698 img_3703 img_3717 img_3722 img_3729 img_3739

www.puntlandi.com.

Comments are closed