|

Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday xaalad abaareed oo ka jirta 6 gobol oo katirsan Puntland.

Garowe (Puntlandi) Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalad abaareed oo biyo la’aan darran ah  oo ka jirta meelo bada oo katirsan Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Puntland oo ku qornaa Enlish ayaa lagu sheegay abaartu inay ka dhalatay yaraanshaha xilliroobaadka dayrta.

Dowladda Puntland waxay sheegtay in xaalada biyo yaraansho ee ka jirta Puntland ay saameysay bulsho badan oo ku nool gobolka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagusoo bandhigay in abaartu si gaar ah usaameysay tuulooyin badan oo hoos yimaada 6 gobol oo Puntland katirsan.

Waxay dowladda Puntland ugu baaqday beesha caalamka iyo deeq-bixiyaasha inay ka qeyb aatana sidii jawaab degdeg ah looga bixin lahaa abaartaan.

Halkaan ka akhriso warsaxafadeedka.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login