|

Puntland Maxay Ka Tiri 14-Kii Qof Ee Lagu Qabtay Duleedka Garowe?

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Cabdi Rashiid Xinjir Dhuuq, ayaa sheegay in dawladu ay baaritaan ku wado 14-ka qof ee ku eedeysan Shabaab , kuwaas oo maalintii shalay lagu qabtay duleedka magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Cabdi Rashiid, ayaa sheegay inaysan ka hordhacayn baaritaanka, isla markaana ay uu socdo baaris xooggan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Cabdi Rashiid Xinjir Dhuuq, ayaa sheegay in dadweynaha reer Puntland ay ka gacan siiyeen qabashadda 14-ka qof ee dawladu ay gacanta ku dhigtay.

”Dadkan Xadka Nugaaleed baa lagu qabtay, waxay dhinac ka mareen Kaantaroolada, waxaana tani ay muujinaysaa meel kasta oo aad marto in Hay’adaha amnigu ku qabanayaan” Ayuu yiri Taliyuhu.

Cabdi Rashiid, ayaa sheegay in dawladu ay fiiro gaar ah u leedahay cadawga, wuxuuna aad ugu mahadceliyay dadweynaha.

”Mar haddii shacabka iyo dawladu wada shaqaynayaan ma jirto cid dhaafi karta meel kasta ha maraane” Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Wararka ayaa intaa sku daraya in dadka la qabtay uu ku jiro nin Ajnabi ah, kaasi oo dawladu aysan illaa iyo hadda ka hadlin.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login