|

Puntland Maxay Ka Tiri Roobabka Sida Habsamida Leh U Da’aya?

Dawlada Puntland ayaa ka hadashay Roobabka Gu’ga ee sida habsamida leh uga da’aya gobolada Puntland, waxaana ay soo jeedisay talooyin ku socda bulshada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in laga soo bilaabo 26-kii bishii tagtay ay Roobab ka bilowdeen Puntland, isla markaana ay dadka iyo duunyadau si wayn ugu diirsadeen.

Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero, ayaa dadka ugu baaqay inay ka fogaadan meelaha godan, xilli ay jiraan Carruur ay biyaha Roobku qaadeen oo u dhintay.

‘’Carruurta waa in Isha lagu hayaa oo aysan Guryahooda ka bixin, waxaa Carruurta oo dabaal u baxsada iman karta inay biyo kale kuso dhacaan, taasina ay keenyo inay qaadaan oo ay dilaan’’ Ayuu yiri Qoobdeero.

Wuxuu intaas ku daray‘’…..Gaadiidlayda waa inaysan Tog biyo marayaan aysan Gaariga marin, oo aysan dadka iyo Hantida gawaarida marin baan uga digaynaa, waa inuu dafreewalku isa saaro Mas’uuliyad gaar ah’’.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero, ayaa sheegay inay biyo badan marayaan Dooxooyin badan oo ku yaala Puntland, wuxuuna xusay in Abaartii ay ka baxeen dadku.

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in dawladu ay diyaarisay qorshe ay dadka Abaruhu ay soo barakiciyeen ay dib ugu celinayso.

www.puntlandi.com.

Comments are closed