|

Puntland Oo Biyo Xireen Ka Hirgalinaysa Deegaanka Laasadawaco Ee Gobolka Bari

Wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ayaa dhagaxdhigtay dhisme biyo xireen ah oo laha hirgalinayo deegaanka Laasadawaco oo hoostaga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Munaasabada lagu dhagaxdgigay Biyo xireenka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Puntland iyo Maamulka degmada Carmo.

Ujeedada laga leeyahay biyo xireenka ayaa ah in bulshada looga faa’iideeyo biyaha Roobka, arrintaas oo muddo badan ay ku taamayeen dadweynuhu.

Dhamaan dadkii ka qayb galay Munaasabada dhagax dhiga, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Biya Xireenka ay dawldu ka hirgalinayso deegaanka Laasadawaco ee degmada Carmo.

www.puntlandi.com.

Comments are closed