|

Puntland oo dishay inka badan 30 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka PSF-ta dowladda Puntland oo todobaadkaan hawlgallo xiriir ah ka waday buuraleyda Calmadow ayaa dilay in ka badan 30 kamid ah dagaallamayaasha al-shabaab,waxaana halkaasi sidoo kale lagu burburiyey gebiyo ay ku dhuumaalaysanayeen oo fariisimo u ahaa,sida ay sheegeen PSF.

Ciidanka PSF waxay sheegeen in ay sifeeyeen degaanno badan oo ku yaalla buuraleydaasi,kadib markii ay weeerarro qorshaysan ku ekeeyeen,kuwaasi oo lagu beegsaday koox ka tirsan al-shabaab.

Hawlgalkaan ayaa bilowday,kadib markii ciidanku ay heleen xog sheegaysa in kooxdaan ay halkaasi isku-urursanayaan,iyadoo gebi ahaanba la kala firdhiyey kooxdaasi,islamarkaana hub iyo saad laga qabtay.

puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login