|

Puntland Oo Ka Hadashay Weerarkii Kaantarooka Boosaaso

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Weerarkii Kooxda Shabaab ay ku qaadeen Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna sheegay in dawladu ay wado baaritaano, ka dibna ay shaacin doonto sida wax u dhaceen baarista ka dib.

”Horta cadowgu inuu khasaaro geysto oo uu dad laayo waa hadafkiisa, ujeedadiisu waa inuu shacabka Argagax galiyo, annaguna waa innaan Argagaxaa ka digtoonaano, reer Puntland Cadow badan ayay leeyihiin oo abeen iyo maalin u taagan ina shacabkeena waxyeelaan” Ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray”…..Ciidankeena oo gacanta kula jiray arrimo amni oo ku saabsan baarista gawaarida ka timaada gobolada, ayaa waxaa halkaas soo galay Nabad diidka, waxaana ka dhashay khasaaro, waxaan wadnaa baaritaan, mana ka hordhacayno markuu soo dhamaado ayaan ka Warbixin doona”.

Axmed Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay in dhacdooyinka caynkana ah ay dhacayaan, ayna kala mid yihiin dhacdooyinka ka dhaca caalamka.

Dadweynaha reer Puntland ayaa Wasiirku uu ugu baaqay inay gacan ka geystaan arrimaha amaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

Weerarkii Kooxda Shabaab ay u ku qaadeen Kaantaroolka Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Sideed qof, halka dad intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

www.puntlandi.com.

Comments are closed