|

Puntland Oo Marti Gelinaysa Shir Looga Hadlayo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya

Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo dawaladaha Xubnaha ka ah, ayaa ka wada tashtay sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa Dastuurka Soomaaliya.

Kulamada ay dawlada Federaalka marti gelisay ayaa waxaa uu horu-dhac u yahay shirar kale oo la isugu iman doono, kuwaas oo loga hadlayo sidii Soomaaliya ay u heli lahayd  Dastuur dhamaystiran, loogana guuri lahaa Dastuurka Kumeel gaarka ah.

Qorshaha dawlada Soomaaliya ayaa ah in muddo dhan labo sano ay kuso afmeerto Dastuurka sida lagu sheegay Warmuritiyeed kaso baxay shirkii Dastuurka looga hadlay ee Muqdisho lagu soo afmeeray.

Shirka xiga midkii lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho, ayaa waxaa marti gelinaysa dawlada Puntland, waxaana uu ka dhici doona magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka  Kaso baxy shirkii Muqdisho Lagu Soo Afmeeray;

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

www.puntlandi.com.

Comments are closed