|

Qaramada Midoobay oo shaqaalaheeda ku sugan Xamar ku wargelisay feejignaan.

Qaramada Midoobey ayaa ku wargalisay shaqaalaheeda maxalliga ah iyo kuwa shisheeye in ay noqdaan kuwo feejigan inta ay Soomaaliya joogaan gaar ahaan magaalada Muqdisho..

Wargelintaan ay QM siisay shaqaalaheeda, ayaa kusoo beegmaysa iyadoo markii dhowaan dowladda Maraykanka ay muwaadiniinteeda Xamar ku sugan ugu baaqday inay kasoo baxaan halkaasi sababo amni awgeed.

Wasiirka warfaafinta Eng, Yariiso ayaa ayaa qiray in dagaalka lagula jiro argagixisada uu noqday mid adag, Waxaana uu cadeeyay in argagixisadu ay bedelayaan xeeladahooda dagaalka ee lagu yaqaanay.

“Waa arrin aad u adag in la joojiyo argagixisada doonaya oo diyaar u ah inay naftooda dilaan, gaar ahaan haddii ay doonayaan inay sidaas ku sameeyaan goobaha dadku ku badan yihiin,” ayuu yiri wasiirka.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login