|

Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay guddiga dib u eegista dastuurka ee barlamaanka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa udiray madaxda dowladda federalka qoraal uu ku cadeynayo inay tixgaliyeen doorashadii todobadii August loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa uu sheegay beesha caalamku inay ka walaacsan tahay y in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney ku laheyn wax matalaad ah.

Keating wuxuu sheegay guddigan inuu door muhiim ah ka ciyaarayo qaabeynta musaqbalka Soomaaliya.

Puntamdi.com

Muqdihso

 

Comments are closed