abaaraha
|

Qiimaha sarifka dollarka magaalada Garowe oo gaaray heerkii ugu sareeyay 8 sano kadib iyo dadweynaha Garowe oo cabasho weyn muujiyay.

Qiimaha sarifka dollarka ayaa magaalada Garowe ka gaaray heerkii ugu sareeyay 8 sano kadib, waxaana halkii dollar lagu kala sarifanayaa lacag  28,000 oo SHilin Somali ah, halka uu markii hore uu marayay 22,000 ilaa 24,000.

Sicir bararkaan ayuu wuxuu kor usii qaaday qiimaha badeecadaha lagu kala iibsado iyo Quutul daruuriga,taasoo sababtay in dadweyne ka cabanayay arrintaan ay saakay isugusoo baxeen magaalada Garowe kuwaas oo dowladda Puntland ugu baaqay si degdeg ah wax looga qabto arrintaan.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland ayaa dadweynaha isugu soo baxay la hadlay oo dajiyay kana balanqaaday inay barlamaanka Puntland arrintaan kala xisaabtamidoono xukuumada, si degdeg ahna wax looga qabandoono.

Warbaahinta Puntlandi oo xiriir la sameysay maamulka Gobolka Nugaal ayaa u sheegay inay jawaab adag ka bixindoonaan arrintaan.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Comments are closed