|

Qodobada looga hadli doono Shirka Golaha Xukuumadda Somaliya ee Kismaayo

Shirka golaha Xukuumadda Kheyrre oo markii u horraysay maanta  ka qabsoomaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saarayaa ammaanka guud ee dalka,Internet-ka oo weli ka go’an K/Soomaaliya iyo khasaaraha dhashay,iyo qodobo kale.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo shalay ka hadlayey magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud. dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo waxay la kulmi doonaan Golaha Wasiirada Jubaland,iyadoo wasaarad walba ay la shirayso,wasaaradda ay shaqo-wadaagta yihiin.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login