|

Reysal Wasaare Kheyre:” Ethiopia waxay naga aqbashay inay xoriyadooda helaan maxaabiis kale oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa dhiggiisa dalka Itoobiya, Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyadda dalkaas.

Khayre , wuxuu khadka teleefoonka kula xiriirey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay si weyn uga wada-hadalleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli ku jira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem, ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca dowladda Soomaaliya, isagoo muujiyay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Puntlandi.com

Muqdisho.

 

Comments are closed