|

Roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Magaalada¬†Garowe ee caasimadda Puntand waxa xalay saqdii dhexe ka da’ay roob mahiigaan oo sababay in¬†biyo badan ay kusoo dhacaan togga weyn ee Garowe, iyadoo sidoo kale uu saameeyn ku yeeshay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Roobkaan ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee sanadahaan dambe ka da’a Garowe, waxaana uu si xowli ah u socday saacado badan isagoo aan kala joogsi lahayn.

Saakay magaalada waxay ku waaberiisatay meel kasta oo ay xareedu warran tahay, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in meelo kamid ah Togga ay biyuhu soo jabsadeen.

Roobkaan wuxuu kusoo beegmay xilli magaaladu kulayl badan ku jirtay islamarkaana raxmada Eebbe aad loogu baahnaa.

Roobkaan mid lamid ah ayaa sidoo kale da’ay tuulooyinka hoos yimaada Garowe.

Sidoo kal weli cirka waxaa ka muuqda darruuro roob sidayaal ah.

 

Comments are closed