|

Roob xoogan oo ka da’ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Garowe (Puntlandi.com) Roob xoogan oo aad loogu diirsaday ayaa ka da’ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Roobkaan oo ahaa mid biyo dhigeen ah, ayaa socday saacad in ka badan, waxaana guud ahaanba is bedelay  jawigii caasimadda oo saacadihii hore ee maanta ahaa mid aad ukulul, iyadoo uu heer kulku gaaray 35 Decree.

Roobkaan ayaa qeyb ka ah xilli roobaadka Dayrta waana mid si kedis ah kusoo curtay, xilli dadku aysan aad u filayn, inkastoo raxmada Alle ay tahay mid qoran.

Puntandi.com

Garowe

 

 

 

Comments are closed