|

Roobka Guga oo weli kasii da’idoono Puntland iyo meelo badan oo kamid ah Soomaaliya

Sida ay tilmaamayso saadayaasha hawada, deegaamada Puntland iyo meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya ayaa waxaa weli ka di’idoonaan¬†Roobka Guga.

Warbaahinta Puntlandi oo xiganaysa warbixin kasoo baxday mashruuca maaraynta biyaha iyo dhulka ee Swalim ayaa ku waramaya in todobaadka soo socda haddii Eebbe Idmo uu roobku ku hooridoono qeybo kamid ah gobolada Puntland iyo Somaliland iyo sidoo kale dhulka xeebaha ee koonfurta Soomaaliya.

Roobabka la filayo waa kuwo culus sida macluumaadka Saadaaasha hawada lagu sheegay.

Warbixntu waxay sidoo kale sheegaysaa in dhulka sare ee Ethiopia uu sidoo kale helidoono roobab meel dhexaad ah iyo kuwo culus.

Roobkaan Guga ayaa lagu tilmaamay inuu yahay Gugii ugu barwaaqada badnaa sanado badan kadib, waxaana meesha kasii baxaysa abaartii xooganayd ee dalka ku habsatay, inkastoo weli saamaynteedii ay dadku weli la tacaalayaan.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login