|

Saddex carruur ah oo u geeriyooday daadad kula tagay roobkii ka da’ay deegaanka Salax ee gobolka Nugaal

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Salax ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyooden saddex carruur ah kadib markii ay la tageen daadad ka dhashay biyihii roobka.

Carruurtaan oo labo kamid ah ay yihiin gabdho, walaalana ah ayaa waxaa qaatay biyaha Togga Xaariso oo qiyaastii 6 km dhinac bari uga beegaan deegaanka Salax, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankaas oo la hadlay Puntlandi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay maydka saddexdaan carruur in xalay laga helay meel cidlo ah kadib markii ay sameeyeen baaritaan raadin ah.

Puntlandi.com

 

 

 

 

Comments are closed