abaaraha
|

Sanatar Farole Oo U Digay Madaxdii Madasha

Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ”Farole” ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ka dib markii uu ka qayb galay Doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Farole oo si wayn loogu soo dhoweeyay Garowe, ayaa Saxaafadda kula hadlay Guriga uu ka dagan yahay Garowe, waxaana uu Madaxdii Madasha ee uu uga digay inay fara gelin ku sameeyaan Madaxweynaha cusub iyo Hannaanka Doorashadiisa Xukuumadda cusub.

Sanatar Farole ayaa sheegay in Madaxdii Madasha ay horay u qaadeen Wadadii Fashilka, sidaa darteedna ay muhiim tahay inay Madaxweynaha cusub jaanis u siiyaan u adeego Ummadda Soomaliyeed.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay jiraan Siyaasiyiin doonaya inay saamayn ku yeeshaan Xukuumadda cusub, wuxuu ka ugu baaqay Madaxda maamul goboleedada inay fara kala baxaan hawlaha Madaxweynaha.

Farole ayaa sheegay inuu yahay Sanatar reer Puntland, isla markaana Ummadda reer Puntland si wannaagsan ugu soo adeegay, wuxuu sheegay sababta soo dadajisay safarkiisa ay tahay inuu horseed u noqdo inuu jaanis u siiyo Madaxweynaha cusub inuu hawsha Qaran ee hortaala uu qabto.

Mar uu soo hadal qaaday Doorashadii Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Puntland ay wadatay Siyaasi gaar ah, balse ay ku fashilmeen in la doorto Siyaasiga ay wateen oo ay xoogooda isugu geeyen.

Ugu dambayntii wuxuu mahadcelin balaaran u jeediyay dadweynihii kuso dhoweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login

aet