|

(SAWIIRRO) Dowladda federalka Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada dadkii ka dambeeya qarixii Zoobe.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo soddon cisho kaddib , waxay shaacisey magacyadda shaqsiyaad loo qabtey qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14 October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, sida uu Wasiirka warfaafinta Eng Yariisow baahiyay:

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –

2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.

4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.

5. Abdullahi Abdi Warsame
Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) –

Mukhtaar Gardhuub oo loo yaqaan Caynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Alshabaab waana ninka dajiyey Qaraxii Zoobe sida Dawladdu Federaalka Soomaaliya xogta ay soo saartay ku sheegtay

Cabdiweli oo loo yaqaan Cabdiqani waa madaxa Qaraxyada Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir , waana ninka fuliyay awaamiirta Mukhtaar Gardhuub

Xassan Aadan Isaaq waa wadihii Noohada inta aanay Qarxin ,waxaana ay dawladdu xogta ku sheegtay inuu ahaa isku xirihii xasuuqii ka dhacay isgoosyka Zoobe ee Muqdisho

Nin lagu sheegay Ducaale waxay Dawladdu Qirtay in Gacanta ay ku hayaan , iyagoona shacabka uga mahadceliyey fududeynta soo qabashadaa ninkaa

Gaariga TM-ka ahaa ee Qarxay Dareewalka waday waxaa magaciisa lagu sheegay Xusseen Aadan Maaday -Cismaan Xaaji buuna ku magac dheeryahay , hooyada dhashayna waxaa la dhahaa Faadumo Cismaan Cali

Gaariga Qarxay waxaa lagaday 18-8-2017 , waxaana laga iibiyey nin lagu magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Xassan ,isagoona ka gaday Xassan Aadan Cabdullaahi Afrax ,mulkiilaha gaariga gacanta dawladda kuma jiro waxaase la sheegay in lagu raad joogo ,ciddi xogtiisa keentana la abaalmarinayo

Gaariga Qarxay oo Dawladda laga cashuuray ayaa waxaa la sheegay inuu soo cashuuray nin magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdi Warsame ,gacanta Dawladda ayuu kujiraa hadda.

You must be logged in to post a comment Login