abaaraha
|

(Sawiro) 300 Oo Qoys Oo Raashin Loo Qaybiyay Gobolka Sanaag

Deeq Raashin ah ayaa loo qaybiyay Qoysas qayb ka ah reer Guuraaga ah saamaysay Abaarta ee ku dhaqan magaalda Badhan ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay in Hay’ada Ashariqa Al khayriya ay qoysas dhan 300 u qaybiyeen raashin ka kooban  Bariis, Daqiiq , Sonkor , Buskut. , Saliid iyo Caano . sidoo kale waxay tuulooyinka ka sameeyen biyo dhaamin.

Maxamuud Ciyoon ayaa sheegay ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Hay’ada Ashariqa Al khayriya, wuxuuna sheegay in Gurmadka ay sameeyen uu yimi xilli Abaarta ka jirta gobolka ay meel aad u adag marayso.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay In Abaartu ay si weyn u saamaysay nolosha dadka ee gobolka dhinacyada Dhaqaalaha , Caafimaad iyo Waxbarashada.

Sido kale qoysaskii loo qaybiyay Raashinka oo la hadlay goobta ayaa ka mahadceliyay deeqda la gaarsiiyay.

Gobolada Puntland ayaa waxaa ka jira Abaaro aad u xooggan, kuwaas oo galaaftay nolosha Xoolo badan, halka dadkuna ay u baahan yihiin Gurmad, xilli wali dadku ay sugayaan Raxmada EEBE.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login