|

(Sawiro) 34 Gabdhood Oo Ka Baxay Dugsiyaga Sare Oo Xirfado Ganacsi Lagu Barayo Degmada Badhan

Mashruuc xirfadda ganacsiga lagu barayo 34 gabdhood oo dugsiyada sare ka baxay, isla markaana aan fursad u helin heer jaamacadeed, ayaa maanta lagu daah furay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Mashruucan ayaa socon doona muddo lix bilood ah , waxana fulinaysa hay’adda FWASOM oo gacan ka heleysa DIAKONIA , iyadoo Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta qoysku ay kormeer iyo qiimayn ku samaynayso.

Xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda gobolka Sanaag, duqa degmada iyo ku xigeenkiisa, , xubno ka tirsan golaha degaanka, qurbe-joog , guddoomiyaha rugta ganacsiga PL , ganacsato, ardayda ka faa]iideysanaysa Mashruuca iyo waalidiin.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon, ayaa Ardayda u jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaan, isla markaana ay si joogto ah u xaadiraan Casharada.

Mudane Maxamuud Ciyoon, ayaa mahadcelin u jeediyay Hay’adaha fulinaya Mashruucan, wuxuuna sheegay inuu yahay Barnaamij muhiimad balaaran xambaarsan.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login