|

(Sawiro) Arday Ka Qalinjabiyay Machadka Sooyaal Ee Magaalada Boosaaso

Machadka Sooyaal xaruntiisu ay tahay magaalada Boosaaso, ayaa maanta waxaa ka qalinjabiyay Dufcadii 3-aad oo ah Ardayda wax kabarata Machad, kuwaas oo tiradoodu aygaaraysay 185 arday.

Ardayda qalinjabiyay ayaa bartay luuqada Ingiriiska, Caafimaadka iyo Saxaafada.

Munaasibada shahaadada lagu guddoonsiiyay oo ka dhacday hoolka wayn ee jaamacada Boosaasi, ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka sare ee Macadka Sooyaal, maamulka Jaamacada Boosaaso, Wakiilo ka socday xarumaha Waxbarashada ee ku yaala magaalada Boosaaso, Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta ee gobolka Bari, Isimo, Ganacsato iyo Waalidiin.

Maamulaha guud ee Macadka Sooyaal Maxamuud Maxamed Cismaan oo ka hadlay Munaasabada, ayaa sheegay in mudadii ay ardayda waxbarashadooda ku jireen ay heleen tabaro iyo talooyin joogta, kuwaas oo ay ka heleen Macalimiintii gacanta ku haysay iyo khabiiro ku xeeldheer Maadooyinka ay barteen mudadii ay waxbarashadooda kuguda jireen.

Wuxuu u mahadceliyay maamulka sare ee jaamacada Boosaaso oo ku marti geliyay Macadka Sooyaal inay ku qabsadaan xaflada qalinjabinta Ardayda hoolka wayn ee Jaamacada Boosaaso, sido kale wuxuu u mahad celiyay Macalimiintii iyo waalidkii kuso tabcay Ardaydan mudadii ay waxbarashadooda kujireen.

Gudoomiyaha Jaamacada Boosaaso Prof. C/wali C/raxmaan Gayre ayaa Ardayda kula dardaarmay inay aqoontii ay barteen ay kula noqdaan bulshadii ay ka yimaadeen, wuxuuna aradyada u balan qaaday in Jaamacada Boosaaso markasta ay garab taagan tahay, ayna kuso biiri karaan Jaamacada .

Xildhibaan Axmed oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee dagmada Boosaaso oo hadal ka jeediyay Munaasabada, ayaa sheegay in Ardayda waqtigan joogta ay ka fursad fiican yihiin jilashii hore ee uu isagu ka mid ahaa, waxaana uu nasiibdaro uu ku tilmaamay wax laga xumaadana ay tahay in ardaydii dalka wax baratay mudana lagu soo tabcaayay ay dalka ka tahriibaan taas oo uu sheegay in ay Uurkutaalo ku noqotay Waalidiintii kuso tacab iyo tiirbeelay, wuxuuna ugu dambayn kula dardaarmay ardayda inay dalkooda aaminaan.

Axmed Maxamed Wakiil ka ahaa Machadka Vision, ayaa sheegay in Macadka sooyaal iyo Vision ay yihiin bahwadaag, wuxuuna Madasha uu ka balan qaaday in macadka Vision International ay ku deeqi doonaan sanad waxbarashadeedka 2017- 2018 laba Arday oo ay siin doonaan Waxbarasho.

Suldaan Nuur Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka mid ah Isimada dhaqanka ee Munaasabada ka hadlay, ayaa ku baaqay in ilgaara lagu hayo Ardayda ka qalinjabisay Machadka,wuxuuna Ardayda kula dardaarmay inay sii wataan Waxbarashadooda.

Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka, Maxamuud Warsame Fuube ayaa sheegay in maamulaha macadka Sooyaal mudane Maxamuud Maxamed cismaan ay dawladu Ilgaara ku haynayso, maadama uu soo saaray Arday badan, wuxuuna Ardayda u balan qaaday inuu shaqooyin siin doono.

Qaar ka mid ah Ardaydii maanta ka qalinjabisay Machadka Sooyaal, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Aqoonta ay barteen, waxayna sheegen in si wannaagsan wax loo baray.

Macadka  Sooyaal oo furnaa sanad Dugsiyeedkii sadaxaad tan iyo markii la Aasaasay macadka sanbadkii 2014-kii bishii Septemper ayaa maanta waxaa  ka qalin jabiyay Dufcadii sadaxaad oo gaaraysay 185 arday oo isugu jiray wiilal iyo Gabdho, waxaana horay Machadka uga qalinjabiyay labo Dufcadod oo hore, taas oo wadarta guud ee Ardayda Machadka Sooyaal ka Qalinjabisay ka dhigaysa 439 Arday mudadii Sadaxda sano ahayd ee uu machadku jiray.

Gabagebadii waxaa halkaasi Shahaadooyinkii ay mutaysteen lagu gudoonsiiyay Ardaydii maanta ka qalinjabisay macadka Sooyaal, waxaana Guddoonsiiyay maamulka macadka iyo Mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay Munaasabada.

www.puntlandi.com.

 

 

Comments are closed