abaaraha
|

(Sawiro) Daryeel Caafimaad Oo Loo Bilaabay Qoysaska Ay Abaartu Saamaysay Ee Gobolka Sanaag

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’adda TASS, ayaa daaweyn bilaash ah u bilowday qoysaska ay Abaaruhu saameeyen ee ku dhaqan Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa sheegay in daryeelka Caafimaad uu socon doono muddo ku siman saddex bilood, waxaana uu xusay inay ka faa’iidaysan doonaan dadka ay Abaaruhu saameeyen ee u badan reer guuraaga iyo tuulooyinka aan haysan adeegyada caafimaad.

Maxamuud Ciyoon ayaa u mahad celiyey Wasaarada Caafimadka iyo hay’adda TASS ee ololaha caafimaad ka bilaabay gobolka , kuna tilmaamay in baahi weyn loo qabey shaqadan .

Drs. Amaal Ibraahim oo ah Isu duwaha Caafimaadka gobolka Sanaag ayaa sheegtay iney jiraan cuduro badan oo la socdey abaarta , taasoo xog ururin wasaaradu samaysay lagu ogaadey cuduradan baahsan loona diyaariyey daryeelkan lacag la’aanta oo mudo sadex bilood ah soconaysa.

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah gobollada ay saamaynta weyn ku yeelatay abaartu , taasoo dad , duunyo iyo degaanba si weyn wax gaadhsiisay.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login