|

(Sawiro) Dawladda Puntland oo Shahaadooyinka Aqoonsiga Qaxootinimo siisay dad kaso qaxay Yaman oo ku sugan Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon ayaa Shahaadada aqoonsiga qaxootinimo u qaybiyay 73-qof oo ka kooban Soddon qoys,kuwaas oo kaso qaxay Colaada Yaman,kuna sugan magaalada Baran ee Gobolka Sanaag.

Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi,ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo Hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR ay dadkan u aqoonsatay inay qayb ka yihiin qaxootiga ku sugan Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay balan qaaday in qaxootigu ku sugan Gobolka Sanaag ay heli doonaan Xuquuqdooda qaxootinimo,arrintaas oo maamulka  Sanaag ay aad uso dhoweeyen.

‘’Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo hawlwadeenada kale ee Wasaaradda runtii shaqo muhiim ah ayay qabteen’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Yamaniyiinta ee ku sugan Sanaag ayaa ka mid ah qaxooti aad u badan oo bilihii tagay uso qaxay Puntland,kuwaas oo soo dhoweyn iyo marti galin balaaran ay u sameeyen Dawladda iyo dadweynaha reer Puntland.

Si kastaba ha ahate,Ajaaniib badan oo kaso qaxay dalka Yaman ayaa dib u dajin ka helay Gobolada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

1 2 3 4 5 6 7 8

www.puntlandi.com.

Comments are closed