|

(Sawiro) Deeq Raashin Ah Oo Loo Qaybiyay Danyar Ku Dhaqan Degmada Qardho

Deeqdan raashinka ah ayaa ah mid loo qaybiyay qaybo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan Degmada qardho,  waxaan deeqadan qaybiyay Ururka Bulsho Kaab oo ka hawal gala degamada qardho ee xarunta Gobolka karkaar

Ururka dhalinyarada Bulsho Kaab ayaa xog ururin uu horay u sameeyay ku ogaaday dadka danyarta ah ee degmada qardho, waxaana ay ka soo xuleen 35 qoys,kuwaas oo ay siiyeen raashin isgu jira Bur, Sonkor, Timir iyo Saliid.

Xaflada qaybinta deeqdan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka karkaar Cabdi qaadir siciid Caarshe dhaqaaje, Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobolka karkaar, Guddoomiyaha Ururka Horumarinta degmada Qardho ee Bulsha Kaab Aamino Maxamuud iyo marti sharaf kale.

Aamino Maxmauud Ciise Guddomiyaha Ururka Busho Kaab oo ugu horayn ka hadashay Munaasbada, ayaa ku dheeraatay Aasaaskii Bulsho Kaab iyo hawlo shaqo ee ay qabteen.

“Dhamaantiin waad mahadsan tihiin, Ururka Busho Kaab waa Urur ka hawal gra Degmada qardho waxana dhismihiisa isku xilqaamay dhalinyaro reer qardho ah oo isu xilqamay wax u qabashada dadka dayarta ah ee ku dhaqan Qardho, mana ahan dhalin dakhli doon ah balse ALLE dartii bay isu bahaysteen” Ayay tiri Aamino Maxamuud Ciise.

Guddoomiyha Ururka Bulsho Kaab ayaa sheegtay deeqadan in uu soo diray Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Qurebajoogta, si loo gaar siiyo dadka danyarta ah una soo mar siiyay Ururka Bulsho Kaab

“ILLAAHAY wax khayr hawgu badalo Yuusuf maxamuud oo deeqdan ugu tala galay in lagu afuriyo dadka danyarta ah waana mid uu helo in sha alaah badal keeda waxan hubal ah hadii hal shaqsi uu afuriyay intaas hadii dad badan is xilqaamaan in ay wax ka wayn keeni karaan Yuusuf maxamuudna ilaahay ajar haka siiyo” Ayay tiri guddoomiyaha ururka Bulsho Kaab.

Guddoomiyha Gobolka karkar C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa u mahad celiyay Mas’uuliyiinta Ururka Bulsho kaab ee ay Hurmuudka u tahay Aamino Maxmuud Ciise

“Waxaan aad ug mahad celinyaa dhalinta is xilqaantay ee wax uqabnaya dadkooda tabalaysan Ururka Bulsho Kaab ee ay Hormuudka utahay Aaamino waxan leeyahay wax wanagsan baad qabateen horay usocda in sha alaah naguna waanu idin garab taaganahay waxan kale ee umahad celinyaa deeqadan shaqsiga ku tabarucay Yuusuf Maxamuud waxan lenahay wax khayr alaha kuugu badalo dad masakiin ah baad wax siisay oo baahi uqabay Ururka Bulsho kaabna waan umahad celinyaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Qaybo ka mid ah qoysaska nasiibka u yeeshay in ay helaan raashinkan ayaa umahd celiyay Ururka Busho Kaab waxan ay uduceeyen Masuulkii isu xil qaamay in uu furiyo

Ururka Bulsho kaab wuxuu ka hawal galaa Degmada Qardho, waana mid ay ku midaysan yihiin dhalinyro iska wax u qabso ah had iyo goorna ku raad jooga inay ogaadaan Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan degmada Qadho

Deeqadan raashin ka ah ee ay Qaybiyeen madaxda Ururka Bulsho kaab ayaa ku soo meeg maysa xilli lagu guda jiro tobanka dabe ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login