abaaraha
|

(Sawiro) Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Soo Bandhigay Liiska Lacagaha Soo Gaaray

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa Boosaaso kuso Bandhigay Liiska Magacyada Shirkadaha iyo dadweynaha ka qayb qaatay Gurmadka Abaaraha Puntland.

Guddoomiyaha guddiga Sheekh Fu’aad Xaaji Nuu, ayaa ka hadlay shirkadaha, shaqsiyaadka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay lacagaha ay uga qayb qaateen Gurmadka ka soconaya gobolada Puntland.

” liiskani waa lacagihii guddiga soo gaaray laga soo bilaabo 01/02/2017, waxaana lacagta ugu badan oo 40kun oo dollar waxaa soo diray jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi” Ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Sheekh Fu’aad iyo Culumada kale ayaa u duceeyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay Gurmadka oo ay sheegen inay dadka Soomaaliyeed uso Gurmadeen xilli ay baahi wayn u qabeen Gurmadka.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login