|

(Sawiro) Guddiga Gurmadka qaxootiga Yaman oo Boosaaso ka ambabixiyay qaxooti u dhashay dalka Yaman

Guddiga gurmadka qaxootiga Yaman ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 3/9/2015 magaalada Boosaaso ka ambabixiyay qaxooti tiradoodu ay gaarayso 220-qof,kuwaas oo u dhashay dalka Yaman,waxaana qaxootiga ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Qaxootiga ka ambabaxay Boosaaso ayaa Guddigu ay u  kireeyeen Gawaari,waxaana la siiyay lacago ay Wadada ku maraan mudada ay safarka ku jiraan.

Sheekh Maxamed Macalin oo ka mid ah Guddiga Gurmadka ayaa nsheegay in qaxootiga ka ambabaxay Boosaaso ay qayb ka yihiin qaxootigii ugu dambeeyay ee soo gaaray magaalaad Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Maxamed Cabdullaahi Cabdulle ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dadkii ka qayb qaatay Gurmadka loo fidiyay dadka kaso qaxay Yaman,wuxuu sheegay in soo dhowayn iyo marti galin qiimo leh qaxootiga loogu sameeyay Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta la hadlay Saxaafadda,ayaa sheegay in dadweynaha reer Puntland ay ka go’an tahay soo dhoweynta qaxootiga,wuxuu ku booriyay in bulshada Soomaaliyeed ee qaxootigu ku wajahan yihiin ay u sameeyaan soo dhowayn la mid ah tan Puntland.

Illaa bishii April ayaa waxaa Puntland ay marti galisay qaxooti lagu qiyaasay 30,000 oo qof,kuwaas oo kaso qaxay dagaalada Yaman.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 DSC_0826

www.puntlandi.com.

Comments are closed