|

(Sawiro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag:” Abaarta Ka Jirta Gobolka Sanaag Meeshii Ugu Darayd Bay Maraysaa”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon ayaa sheegay in Abaarta ka jira gobolka Samaag ay marayso meeshii ugu adkayd, xilli buu yiri ay reer Guuraa badan gobolka dib ugu noqonayaan.

Wuxuu intaas ku daray in reer Guuraagii naqa u aaday Gobolka Bari iyo0 Buuraha Sanaag ay dib uso noqdeen, arrintaas oo ah culays kale oo soo kordhay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay in Roob kooban oo horay uga da’ay Ceelbuuh ay isugu tageen qoysas garaya Illaa Sideed Kun(8,000).

Maxamuud Ciyoon ayaa sheegay in loo baahan yahay Gurmad isugu jirea biyo Raashin oo lala gaaro reer guuraaga ay saamaysay Abaartu.

”Magaalada Ceelbuh oo hogol roob ahi ka da’ey muddo hore ayaa waxa isugu yimid reer guuraa aad u fara badan 6 kun ilaa 8 kun oo qoys , kuwaas oo u baahan biyo iyo raashin deg deg ah, waxaana loo baahan yahay in Gurmadka lasi wado, waayo wali waa jirtaa baahida ay qabaan qoysaska ay saamaysay Abaartu” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa kuso beegmaya xilli Abaaro xooggan ay ka jiraan gobolada Puntland, kuwaas oo galaaftay nolosha Xoolo badan, halka laga digay halista ay galin karaan nolosha reer Guuraa badan.

www.puntlandi.com.

Comments are closed