|

(Sawiro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Dhismaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo

Dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa meel fiican maraysa,  waxaana dadka reer Cawsane ayaa bilaabay diyaar garowga wadada oo aan sidaas uga fogeyn.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa subaxnimo hore kala qayb galay Mas’uuliyiinta reer Cawsane oo jidka magaalada dhex mara ka bannaynaya dhismayaasha sharci darada ah ee bushashka iyo sandaqadaha , si ay ugu gogol xaadhaan wadada oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Cawsane.

Madaxa Magaalada Cawsane Daahir Ciise Warsame ayaa guddoomiyaha u sheegay in bulshadu si rabitaan ah ugala shaqeeyeen duminta iyo furfurida dhismayaasha wadada hareereheeda ah, taasina waxay ku tusaysaa sida dadku diyaar ugu yahay wadadaas.
Waxa xusid mudan in dhowaan ceelbiyood laga bilaabay degaanka Cawsane , kaas oo wax weyn ka tari doona shaqada dhismaha wadada .

Bulshada reer Sanaag ayaa u hanweyn hirgelinta wadadaas , Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas na uga mahad celiya sida uu ugu dhiiradey dhismaha wadadaas.

 

Hoos Ka Daawo Sawirada;

15826045_960864387381074_6825529292580635245_n 15873226_960864250714421_2013479905991380768_n 15940986_960864157381097_4205892783019444223_n sanaag-1

www.puntlandi.com.

Comments are closed