|

(Sawiro) Gurmad Loo Fidiyay Qoysaska ay Abaaruhu Saameeyen Ee Gobolka Mudug

Ol’ole balaran oo lagu caawinayo dadka ay saameyen Abaaruhu ayaa ka socda deegaano hoostaga Gobolka Mudug oo ka mid ah gobolada Puntland ee Abaaruhu ay saameyen.

Djalinyarada oo la baxay Gurmad oo ah dhalinyaro is-xilqaamay, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Barnaamijkooda ay ku caawinayaan dadka ay Abaaruhu saameyen, waxaana dhalinyarada hormuud u yihiin Saleebaan Ceegaag, Abshiro Salwe iyo Saciid Nadaara.

Deeqdii ugu dambaysay oo ay qabiyeen labadii maalmood ee tagay, ayaa waxaa soo ururiyay Ardayda Jaamacadda GSU ee magaalada Gaalkacyo.

Gobolada Puntland ayaa waxaa ka jira Abaaro aad u xooggan, kuwaas oo galaaftay nolosha Xoolo badan, waxaana halis ku jira dadka sida ay sheegen Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland ee uu hormuudka u yahay Sheekh Fu’aad Xaaji.

www.puntlandi.com.

Comments are closed