|

(Sawiro) Hay’adda Waddooyinka Puntland oo magaalada Boosaaso tababar ugu qabatay shirkadaha Qandaraaslayda ah.

Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA,ayaa shirkadaha Qandaraaslayda ah ee ka diiwaan gashan Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland,gaar ahaan Gobolada Bari,Sanaag iyo Karkaar u qabatay tababar ay ku barayso Buuga Qandaraaska iyo cabirka Waddooyinka.

Tababarka oo ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa socon doona muddo dhan saddex bari,waxaana maaligaliyay Hay’adda ILO iyo Barnaamijka JPLG.

Xoghayaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Mudane Khadar Axmed Xaaji oo Daahfuray tababarka,ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay Ahmiyadda uu Qandaraaslayda u leeyahay tababarku,wuxuuna xusay in tababarka ka furmay Boosaaso uu qayb ka yahay tababarada taxanaha ah ee ay Hay’addu ka waday Gobolada Puntland.

Khadar Axmed Xaaji ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay ka qayb galayaasha tababarka,wuxuuna ku booriyay inay ka faa’iidaystaan mudada uu socdo tababarka oo uu bixinayo Injineer Maxamuud Maxamed Cabdulqaadir.

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha tababarka oo la hadlay Saxaafadda,ayaa Hay’adda Waddooyinka Puntland uga mahadceliyay hawsha muhiimka ah ee ay u hayso bulshada reer Puntland,waxayna balanqaadeen inay ka faa’iidaysanayaan tababarka mudada uu socdo.

Si kastaba ha ahate,Hay’adda Waddooyinka Puntland ayaa ku hawlan sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Shirkadaha Qandaraaslayda ah ee Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

DSC02310 DSC02315 DSC02321 DSC02322 DSC02328 DSC02339 DSC02342 DSC02346 DSC02347 DSC02348 DSC02354 DSC02350

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed