|

(Sawiro) Jimciyada Al-Xikma Oo Biyo Dhaamin Ka Samaysay Gobolka Karkaar

Jimciyadda kheyriga ah ee Al-Xikma ayaa waxay biyo dhaamin ka sameysay  deegaano hoostaga gobolka Karkaar ee Puntland-Soomaaliya.

Jimciyadda ayaa waxa ay qeybisay 10 booyadood oo biyo ah, kuwaasi oo laga qeybiyey tuulooynka Goda iyo Geed-gaab

Biyo dhaamintaasi ayaa waxaa ka faa’ideystay dad iyo duunyo badan, waxaana ay timi xilli baahi wayn loo qabay.

Madaxa jimciyadda Al-Xikma Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan mashruucyada biyo dhamainta ah ee lagu waraabinayo dadka iyo duunyada.

Jimciyadda Al-Xikma ayaa ah ah hay’ad sama fal oo saldhigeedu yahay  magaalada Bosaso.

Mashruuc biyo dhaaminta ayaa waxaa maal geliyey hay’adda lagu magacaaboMCHK oo fadhigeedu yahay  Hon Kon Chaina.

Waa markii saddexaad oo ay jimciyadda ka smaeyso biyo dhamain deeganaada hoostaga gobolka Karkaar.

www.puntlandi.com.

Comments are closed