abaaraha
|

(Sawiro) Maamulka Gobolka Sanaag iyo Qaybaha Bulshada Oo Shir Yeeshay, Maxay Uga Hadleen?

Shirweyne ay ka soo qayb galeen bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Wasaarada Haweenka ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan.

Cuqaasha , guurtida , culimada , dhalibyarada iyo haweenka ayaa maamulka dawlada ee heer gobol iyo heer degmo uga xog waramayeen wixii qabsoomay ee gurmadka abaaraha iyo horumarka kaleba .

Gurmadka abaaraha ee dadka abaaruhu saameeyeen ayaa waxa loo sameeyey biyo dhaan , cunto qaybin , daaweyn bilaash , shidaal loo qaybiyey dadkii roobka u guurey qaarkood iyo matoorada ceelasha riiggaga ee laga cabo.

”Maadaama abaartii weli sii jirto ayna xilligan ugu daran tahay waxa baaq wada jir ah loo diray dawlada , jaaliyadaha iyo hay’adahaba” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gob0lka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo la hadlay Warsidaha Puntlandi

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”…..Iyadoo roob doon iyo rabbi barina laga wado dhamaan gobolka , loona mahad celiyey ciddii gacan ka geysatey wixii hore ee gobolka soo gaadhey, hadana wali waa taagan tahay Gurmad ay u baahan yihiin reer Guuraagu”

Bulshadii kala duwanayd ee kulanka hadalka ka jeedisey ayaa boorisey adkaynta nabad gelyada iyo iskaashi buuxa in la yeesho .

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login