abaaraha
|

(Sawiro) Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, ka dib Munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya.

Waxaa ka qayb galay Munaasabada xil wareejinta ah Mas’uuliyiin ka tirsan labada Aqal ee dawlada, Golaha Xukuumadda ee xilka haya iyo Saraakil ka tirsan ciidanka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhisayo dawlad ka tarjumaysa rabitaanka shacabka, isla markanaa u adeegaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka dalbaday dadweynaha inay dawlada cusub kala shaqeeyaan hormarka dalka, wuxuuna intaas ku daray inay ka shaqaynayaan dal la duminayay 26-sano.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guuray Madaxtooyada, ka dib Afar sano oo dib u dhac ah oo dawladii fashilka uu hogaaminayay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa taageerada shacabka Soomaaliyeed ku helaya hadba sida uu wax uga qabto balanqaadkii uu sameeyay.

unnamed unnamed-1 unnamed-3 unnamed-6 unnamed-10 unnamed-11 unnamed-15 unnamed-18 unnamed-19 unnamed-20

www.puntlandi.com.

Comments are closed